Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeer Amni sameeyey

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa xalay waxa uu kormeer amniga ku saabsan ku tegay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir iyo qaar ka mid ah baraha koontorool oo ay ciidamada  dowladda ku sugan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinayey Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow,Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan,Masuuliyiin ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo mas’uuliyiin kale.

Degmooyinka uu Ra’iisul Wasaaraha booqday ayaa waxaa ka mid ahaa Howl-wadaag,Warta-nabada,Isgoysyada soo gala suuqa Bakaaraha,Hodan,deeyniile iyo Wadooyinka ku teedsan Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho.

Kormeerkan oo ahaa mid amni ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa uu warbixino ku saabsan dhanka amniga ka dhageystay taliyayaasha ciidamada baraha koontorool oo uu xalay tegay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa socdaal ku maray wadooyinka qaar e Magalada Muqdisho,waxa uuna kula dardaarmay Ciidamada amniga in ay si wanaagsan u xaqiijiyaan,isla markaana Shacabka si asluub le hula dhaqmaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media