Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre & Xubno la socda oo ka dhoofay M/Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa ka dhoofay Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle,ayaa waxa ay dalka Norwey uga qeybgeli doonaan shirka Sanadlaha ee Oslo Forum kaas oo sanadkiiba mar la qabto.

Wasiirka Maaliyadda oo ka mid ah Xubnaha la socda Ra’iisul Wasaaraha ayaa faah faahiyey qorshaha safarkooda ee dalka Norwey.

“Maanta waxaan safar shaqo ah u raacay Reysul wasaare Hassan Ali Khaire waxaan u soconaa sidii aan aduunka ugu qancin laheyn isbedelka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha wadanka mudada ay jirtay xukumadda Soomaaliya ayuu yiri Wasiir Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media