Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray dadkii uu saameeyey roobkii ka da’ay Muqdisho

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay booqday dadkiii uu saameynta ku yeeshay roobkii 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ayay Gudaha Magalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen Wasiirka Amniga,guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng,Cabdiraxmaan Yariisow,kuxigeenkiisa dhanka amniga Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa waxa ay kormeereen goob si KMGH loo dejiyey dadka ku gurya beelahay roobkaas.

Dadka ku guryo beelay roobkii ka da’ay Muqdisho oo xaaladooda aad u liidato ayaa ra’iisul Wasaare Kheyre uu amray in dadkaasi sideg deg ah wax loogu qabto maadaama ay heysato dhibaato aad u daran.

Ugu dambeyn ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii lasocday ayaa waxa ay socod kusoo mareen wadooyinka qaar ee Muqdisho halkaas oo ay biyihii roobka ay fariistee.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor