Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Ganacsada Muqdisho kala hadlay khilaafkii ka dhashay bixinta Canshuurta

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah Gacansatada Soomaaliyeed, waxayna ay kawada hadleen arrimo badan oo dhaqaallaha dalka ku saabsan.

Ra’iisul wasaaraha iyo  Ganacsatada ayaa kawada hadlay arrimaha la xiriira bixinta Canshuuraha iyo qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen kor u kaca dhaqaallaha dalka.

“Aniga iyo R/wasaare Xasan Cali kheyre waxaa la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana kawada hadalnay Bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin , waana muwaadiniin kasoo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaa” ayuu yiri Wasiir Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media