Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Caawa Hoygiisa ku booqday Guddoomiyihii is casilay ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyre ayaa Caawa Hoygiisa ku booqday Gudoomiyihii is cailay ee Baarlaamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa horay Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu ku eedeeyey in uu daba ka riixayey mooshinkii laga gudbiyey guddoomiye Jawaari.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaare Kheyre Caawa ku tegay Hoyga Jawaari ayaa u muuqatay mid uu ku macsalaameynayay maadaama uu xilka ka tagayo mudo 5 sano ah oo uu soo ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka soomaaliya,iyada oo laba mar la doortay.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ka hor jeediyo khudbad uu ku shaacin doono in uu xilka baneynayo iyo sababihii ka dambeysay in uu is casilo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media