Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday Xerada Ciidamada DANAB ee Balli-doogle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn waxa uu Warbixino ka dhageystay Saraakiisha ciidamada eek u sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo akle Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa waxa uu  xariga ka jaray qayb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tababarka.

Ra’iiusl Wasaaraha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in booqasgadiisa ay qeyb ka aheyd sidii uu u ogaan lahaa horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media