Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wefdigiisa oo gaaray Degmada Baraawe

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Goordhow gaaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wefdiga ayaa waxaa halkasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xsan sheikh adan, xildhibaano iyo Wasiiro iyo Masuuliyiin kale.

Wefdigq ayaa hadda la geeyay Xarunta Cusub ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed halkaas oo ay ku sugan yihiin Msuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaasi Baraawe.

Kulamo soo dahweyn ah ayaa Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha loo sameyn doonaa iyada oo Ra’iisul Wasaaraha booqan doono Xarumaha Maamulka iyo Ciidamo ka tirsan Milataeriga Soomaaliya oo ku sugan gudaha degmadaas.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka sii horeeyay oo hadda Baraawe ku sugan wada Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.