Sawirro:-Raashin iyo Dawo dhacday oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo agaasimaha Waxda Caafimaadka iyo Fayadhowrka Dowladda Hooe ee Xamar ayaa  howlo kormeer ah waxey  ku tageen Dekada Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo xubnaha wehlinayey ayaa intii ay kormeerka ku jireen waxa ay gacanta ku dhigeen raashin dhacay oo kujiray Dekedda iyo sidoo kale Daawo iyana dhacday.

Marwo Basmo Caamir Axmed Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada oo goobta ka hadashay ayaa amartay in la gubo raashinkaasi iyo Dawada oo ahaa kuwa dhacay oo hadii aan laga hortagi lahaa Bulshada saameyn ku yeelan lahaa.

Hoos ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media