kulanka maanta ee looga hadlay nabad u helida bulshada ku wada nool gobolka mudug waxaa uu daba socday mid shalay ay madaxda maamulada galmudug iyo puntlandb ku yeesheen garoonka diyaaraha c/llaahi yuusuf ee magaalada gaalkacyo
kulanka dib u heshiisiinta ah oo ka dhacay waqooyiga gaalkacyo waxaa ka qeyb galay madaxda kala duwan ee labada maamul oo ay ugu horeeyaan labada madaxweyne ku xigeen qeybo ka mida bulshada rayidka oo ay ka mid yihiin duubabka dhaqanka ee taladooda si wanagsan looga dhageyso deegaanada gobolka mudug .
Odayaal dhaqameedka ka hadlay kulanka waxaa ay sheegeen inay muhim tahay nabad ay helaan bulshada gobolka mudug oo kasoo daalay dagaalo iyo colaado sokeeye.
Madaxda galmudug iyo puntland ayaa rajo ka muujinaya inay ku guuleystaan helintaanka nabad gelyo ay kuwada noolaadaan shacabka labada maamul taasina lagu gaari karo is aaminaad iyo wada shaqeyn dhaba.
mMdaxweyne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay si dhaba in looga hadlay waxyaabaha saldhiga u ah colaadaha soo laa laabtaan si xal loogu helo.
dhisiiga ku xigeenka madaxweynaha puntland c/xakiin xaaji cumar camey ayaa isna sheegay in badankood dadka kuloo gobolka mudug ay yihiin dhalyo wagaan ayaa sidoo kale goobta ka sheegay qodobada ugu muhiimsan ee looga hadli doono shirarka dib u heshiisiinta bulshada gobolka mudug ee ka socda gaalkacyo.
Hoos Ka Daawo Sawirrada