Sawirro:-Qalbi Dhagax iyo Eheladiisa oo lagu arkay Baar ku yaalla Itoobiya

Saacado kadib markii dowladda Itoobiya ay xurriyadiisa ay siisay Cabdi Kariin Qalbi Dhagax ayaa waxaa uu u damaashaad tegay Baararka Waaweyn ee ku yaalla Magalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Isaga iyo qaar ka mid ah Eheladiisa ayaa la arkayey Sawiro laga soo qaaday iyaga oo farxadi ay ka muuqato in ay ku shaahayeen Baarka Magalada Adis Ababa,waliba Qalbi Dhagax laga dareemayo farxada siideyntiisa.

Qaar ka mid ah Eheladiisa oo aan la hadalnay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay ad ugu farax sanyihiin,isla markaana ay uga mahad celinayaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed oo Siyaasad Cusub la yimid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii hore Itoobiya ku wareejisay Qalbi Dhagax weli wax war ha kama soo saarin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor