Sawirro:-Qaar ka mid ah dhaawacyadii Qarixii Zoobe ee loo qaaday Turkiga oo Dib loogu soo celiyay Muqdisho

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay.

9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda waxka barata dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bukaanada iyo ka warqabkooda iyadoo gacan wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii dadka walaalahood ee Qaraxa ku soo dhaawacmay loo caawin lahaa.

Sidoo kale,caawinta dadka Bukaanada ah waxaa gacan lama ilaabaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo ku saleysan.

Dhaawacyadani waxaa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd lix jir oo la geeyay dalka Turkiga ku jirtay Xaalad koomo ah,waxaana dib loo soo celiyay iyadoo iyada iyo Hooyadeed farxad ka muuqada waliba caafimaad qabta Alle mahadii.

Magacyada dhaawacyadii soo bogsooday waxaa ka mid ahaa:-

Hussein Hassan Ahmed.

Samira Sheikh Mohamed.

Adam Muse Hassan.

Alas Elmi Qobey.

Mumtaz Hassan Ali.

Abdalla Omar Mayew.

Bille Adan Farah.

Said Abdi Jeele.

Ali Diriye Farah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media