Sawirro:-Nabadsugida Jubbaland oo soo bandhigtay rag ka tirsanaa Al-Shabaab

Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Maamulka Jubbaland ayaa Gelinkii dambe Maanta magaalada Kismaayo waxa ay ku soo bandhigeen 12 dhallinyaro oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ku sugnaa Goobta raggaasi lagu soo bandhigayey ayaa waxa ay sheegeen in ay Ciidamada isku-soo dhiibaan 12 kaas ruux ee dhalinyarada u badan kadib culeysyo badan oo a kaga yimid ciidamada xoogga dalka iyo ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeyn.

Qaar kamid ah ragga maanta la soo bandhigay ayaa Saraasjiishu waxaa ay sheegeen in ay ahaayeen  kuwa maamulayey tuulooyinka qaar ee Gobolka Jubbada Hoose.

12 Ruux ayaa intooda badan waxa ay ka yimaadeen deegaanada maalmihii la soo dhaafay ay xiisadaha dagaal ka taagnaayeen ee kala ah Baar-sanguuni iyo Cabdalla Biroole.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor