Sawirro:- Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya oo dib loo Howlgelinayo

Munaasabad lagu daah-furayay dib u howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay  masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya En, Yariisow , Wasiir kuxigeenka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xubno ka socda bahda Ciyaaraha dalka.

Madasha waxaa lagu soo bandhigay Taariikhdii Naadiga Madbacada iyo qorshaha hadda laga leeyahay dib u howlgalinta Naadigaasi.

Gudoomiyaha Naadiga Madbacada Cumar Mugaabe Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta C/raxmaan Alcadaala Iyo Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta C/Qani Saciid Carab ayaa kala saxiixday Qorshaha Cusub ee dib loogu howlgalinayo Naadigaasi.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media