Sawirro:-Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Gudaha dalka Belgium 

Booliska dalka Belgium waxay xalay toogasho ku dileen Ninkaaai, kadib, markii uu Askari u dhashay dalkaasi ku dhaawacay Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Brussels.

Maamulayaasha ayaa sheegay inay weerarkaasi u arkaan Fal Argagixiso, waa sida ay hadalka u dhigeen, iyadoo Askariga laga dhaawacay Wejiga iyo Gacanta.

Afhayeenadda Dacwad-oogayaasha Federalka ee dalkaasi waxay sheegtay inuusan Ninka Soomaaliga ee la dilay horey ugu lug lahayn haba yaraatee wax Dhaqdhaqaaqyo Argagixiso ah.

Duqa magaalladda Brussels, Philip Close oo Suxufiyiinta kula hadlay halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay inay Ciiddanka horey heegan ugu jireen si ay uga hortagaan weeraradda Kooxaha Argagixisadda.

Bishii March ee sannadkii hore, weerar ay Kooxda Daacish ka geysteen magaalladda Brussels waxaa  lagu dilay 32 qof, halka boqol kalena lagu dhaawacay.

Sawiro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media