Sawirro:-Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Allaha u Naxariistee waxaa xalay dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku Ganacsada.

Muwaadinkaan oo lagu Magacaabi jiray liibaan Cali ayaa lagu dhex dilay Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Xaafada Sekoro ee dalkaasi koonfur Afrika.

Kooxdii Burcada ahaa ee Ganacsadaha dilay ayaa sida la sheegay qaatay qaar ka mid ahaa gabkii Ganacsi ee u yaallay kadibna Goobta ka baxsday.

Majirto cid ilaa iyo hadda loo  qabtay dilkaas,waxaana dalka Koonfur Afrika ku soo batay dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Ganacsanaya dalkaasi koonfur Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media