Sawirro:-Munaasabad Xilka uu kula wareegayo Gudoomiye Yariisow oo ka socota Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa iminka socota munaasabad ay xilalka ku kala wareegayaan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed  iyo gudoomiyaha Cusub G/Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Munaasada ayaa waxaa lagu qabanayaa Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Visha Governo,waxana Goobjoog ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xafladaas lagu Casuumay.

Ammaanka Xarunta Dowladda Hoose  ee Xamar ayaa aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayaa Ciidamo gaar ah uu amniga xaqiijinaya.

Hadda waxaa socda khudbado ay jeedinayaan madaxda ka qeybgaleysa Munaasabada,wxana la filayaa in ay halkaasi khudbado ka jeediyaan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ee xilka baneynaya Taabit Cabdi Maxamed iyo Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media