Munaasabad xariga looga jarayo Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa iminka ka socota Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Goobjoog ka ah Munaasabada ayaa la filayaa in uu xariga ka jaro Xarunta laga maamuli doono Hawada Soomaaliya mudo 27 sano ah kadib.
Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa horay u sheegay in inta uusan dhamaan 2017 dowladda Soomaaliya ay la wareegeyso maamulka Hawadeeda islamarkaana laga maamuli doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.
Qalabka lagu rakibay Xarunta ayaa suurtagelin kara in xiligaan wixii ka dambeeya Soomaaliya ay hawadeeda maamulato,iyada oo maalma kahor qalabkan la tijaabiyay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada lana socda Warkaan oo dhameystiran.