Sawirro:-Midowga Europe oo tababar siiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Soomaaliya

Ciiddamo ka socda Ciiddanka Badda ee Midowga Europe waxay Ciiddanka Boliska Somalia ugu qaabilsan Ilaalinta Badda tababar ku siiyeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Muqdisho.

Badmaaxiin la socotay Maraakiibta Dagaalka ee ITS Fasan iyo ESPS Rayo ayaa bixiyey Tababarkaasi oo looga dan lahaa sidii loo xoojin lahaa Ammaanka Baddaha Somalia iyo in laga hortago Burcad-baddeeda ka qowleysata Deegaanadda Xeebta leh ee Somalia.

War qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka EU-da ee Somalia ayaa lagu sheegay in Ciiddanka ka qeyb galay Tababarkaasi la baray qaabka Ilaalaynta Baddaha iyo sida loo baaro Maraakiibta looga shakiyo inay ku hawlan yihiin Burcad-baddeednimo iyo kuwa kale ee wada dhaqdhaqaaqyadda aan sharciga ahayn.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media