Sawirro:-Mid ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo socodkeeda kugu qaadaneyso mudo Saacad ah

Wadada u dhaxeysa Isgoyasyada Zoope ilaa Km4,ayaa waxaa haatan laga dareemayaa ciriira aad u weyn,iyada oo la arkayo Gawaarida noocyadooda kala duwan oo safdheer ku jira.

Markii aad Gaari ka soo raacdo qeybo ka mid ah suuqa degmada Wadajir ama Isgoyska Banaadir,waxa ay kugu qaadaneysa in aad soo gaarto Isgoyska Taleex mudo Saacad iyo ka badan ah.

Isgoyska Zoope ilaa Km,4,ayaa waxaa isku xiray Gawaari farabadan oo isugu jira nooca yar yar ee raaxada iyo waliba mid ka dadweynaha ee Bii’elka loo yaqaano.

Ciidamada xasilinta amniga Muqdishoa ayaa ku sugan badi Wadoyinka Muqdisho iyaga oo ka wada howlgallo baaritaano ah taas oo mararka qaar saameyn ku yaalata isusocodka Gaadiidka.

Shacabka qaarkood oo arintaan dhibsaday,ayaa mararka qaar sameynaya in ay cagtooda maalaan oo ay lugeeyaan si ay si fudud u gaaraan halkii ay u socdeen.

W/D/ Cabduqadir Jakaarta

  

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media