Sawirro:-Meydadka Ido la gowracay oo lagu arkay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Saakay ayaa dadka ku nool Xaafad ka mid ah degmada Howl-Wadaag ee Gobolka Banaadir waxa ay ku waabariisteen arrin ay aad ula yaabeen kadib markii ay arkeen Dhowr Neef oo qalan oo Wadooyinka daadsan.

Dadka ayaa markii ay saakay soo kaceyn waxa ay arkeen Wadooyinka qaar ee Xaafada Barmuudo degmada howl-Wadaag oo yalla dhowr Neef oo Ido ah oo inta la qalay laga tegay.

Sawirro laga soo qaaday oo la soo dhigay Baraha Bulshada ay isticmaasho ayaa muujinayay Idaha oo qalan isla markaana laba laba la’isku agdhigay.

Ilaa iyo hadda macada cidda falkaan ka dambeysa maamulka degmada Howl-Wadaagna weli kama uusan hadlin.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.