Sawirro:-Maxay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda?

Maxamed Cabdulalahi (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku sugan Magaalada Kambala ee dalka Uganda ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas iyada oo ka wada hadlay arimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxa ay uga hadleen qodobo ay ka mid yihiin xoojinta dhanka amniga iyo taageerada ay dowladda Uganda siiso Soomaaliya iyo sidoo kale kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Uganda.

Inta uu kulanka socday ayaa Madaxweyne Farmaajo,waxa uu dowladda Uganda ku amaanay doorka wanagsan oo ay ka qaateen soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha dalakaasi Uganda.

Yoweri Kaguta Museveni Madaxweynaha dalka Uganda ayaa isna dhankiisa dowladda Soomaaliya ku amaanay qaabka wanaagsan oo ay ula dagaalameyso musuq maasuqa maamulxumida islamarkaana dowladda Uganda ay taageera buuxa la garab taagan tahay Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca Amisom ku waas oo dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab,waxana sidoo kale jira in dalkaas ay ku sugan yihiin qaxooti farabadan oo Soomaaliyeed.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media