Sawirro:-Maxaabiis Soomaali ah oo laga keenay Dalka Iiraan oo soo gaaray Boosaaso

 

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa Maanta ka degtay diyaarad siday 24 Maxbuus oo Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Iiraan ,kuwaas oo Ahaa Ganacsato Soomaaliyeed oo watay Maraakiib lagana Qafaashay Xeebaha Imaaradka Carabta.

Maxaabiistas oo dhammaan rag ah ayaawaxa ay dalka iiraan ku xirnaayeen mudo 8 Sano ah,waxaan siideyntooda Gacan weyn ka geystay Madaxda dowlad goboleedka Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays dhado Gudoomiyaha Gobolka Bari oo la hadlayay maxabiistaana wuxuu sheegay inuu ku faraxsanayahy iney maanta Boosaaso ku soo dhaweeyaan Maxabiis soomaali ah oo si sharci darro ah ugu xirnaa Dalka iiraan, horayna oga ganacsan jiray dalka Imaaraadka.

Duqa Degmada Boosaso Cabdisalaan bashiir Cabdisalaan ayaa Maxaabiistaan ku soo Dhaweeyay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaso, isagooo uga mahadceliyay Doorkii ay ka qaadatay Puntland siideynta Maxaabiistaas Soomaaliyeed.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.