Sawirro:-Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo Amisom oo shir uga socdo Muqdisho

Shirkaan oo ka socda Xarunta Xalane ayaa galay Maalintii labaad  waxaana  ka qeybgalaya Madax ka socota dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya iyo Amisom,iyada oo looga hadlayo sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in mas’uuliyada ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM.

Masuuliyiinta dhanka dowladda Soomaaliya uga qeybgaleysa shirkaan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Saraakiisha laamaha amniga Soomaliya halka Amisom ay ku sugan yihiin Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yrurub iyo  Mareykanka , UK .

Amb. Francisco Madiera Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Ciidamada Soomaaliya ay amaanka Xaqiijiyaan marka la gaaro doorashada Sanad 2021,ka markii y Amisom dalka kala wareegaan Sanada 2018..

Bishii April ee sanadkan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis qorshahiisu yahay sidii lagu dhisi laha Ciidan Qaran oo mideysan kaas oo Ciidamada Amisom kala wareega Amaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka shirkaan kaas oo sahli kara in Guul laga gaaro Waqtiga adag ee lagu jiro.

Shirkan ayaa wxa uu socon doonaa Mudo 4 maalmood ah iyada oo la filayo in qodobo laga soo saaro.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media