Sawirro:-Markab taagan Dekada Muqdisho iyo Qalabkii Imaaraadka oo lagu rarayo..

 

Dekada Muqdisho waxaa taagan Markab lagu Magacaabo  (JABAL ALI 7)uu leeyahay imaaraadka Carabta kaas oo la doonayo in lagu raro Qalabka milateri ee Imaaaradka ka yaalla gudaha Magalada Muqdisho.

Maalma ka hor Imaaraadka Carabta ayaa Qalabkii Milateri oo isugu jiray Gawaarida aan Xabada Karin ee loo yaqaano Bilid Proof,Gawaarida ay isticmaalayeen Saraakiisha tababarayaasha ahaa ee Imaaraadka waxaa laga soo daad gureeyey xerada Tababarka Gen,Golden oo ay ciidamada dowladda ku tababari jireyn.

Dad ku sugan Dekada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in uu socdo raritaanka markabka ka yimid Imaaraadka,isla markaana ay ku raranayaan Qalabkoodii Milateri ee ka yaallay Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay joojisay howlihii tababareed oo ay ka waday Soomaaliya,kadib khilaafkii u dhaxeeyay Imaaraadka iyo Dowladda Soomaaliya oo sii xoogeystay.

Shalay ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay la wareegtay Ciidamadii ay tababareyn Imaaraadka ee ku sugan Xerada Tababarka Gen,Golden,iyada oo hadda wixii ka dambeeya Mushaaraadkooda iyo xaquuqdooda ay dowladda Soomaaliya bixin doonto.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Markabka Imaaraadka ee taagan dekada Muqdisho.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media