Sawirro:-Markab Sida Saanad Ciidan oo ka soo degay Dekada Magaalada Baraawe

Dekada Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka soo degay Markab Siday Saanad Ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Baraawe waxaa ku sugan Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali adan Najax,waxa uuna ka hadlay imaanshaha markabkaan iyo dhismaha Garoonka Diyaaradaha Baraawe.

“Waxaa Dekadda Baraawe Ku soo Xirtay Markab Sida Saadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyed Iyo Walaalaha Amisom Waxaana Suura Geliyay Nabada Iyo Hormarka Ka Jira Magaalada Baraawe’Arinta Dhismaha Airporka Magaalada Baraawe Insha’Alllah Wuu Bilaaban Doonaa waxaana Diyaar U Nahay Inaan Xalino Cabashada Shacabka ayuu yiri Gudoomiye Najax”

Sidoo kale waxa uu Shacabka ugu baaqay In ay Aaminaan Maamulka Taas Waxa Ay Horseedeysaa Hormar Iyo Xasilooni Ku Nagaata Degmada ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Markabka Saanada wada ee Baraawe kas oo degay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media