Sawirro:-Mareykanka oo Jubbaland ka Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Guriga martida ee Magaalada Kismaayo kulan gaar ah kula yeeshay Madaxa Ciidamada Badda Maraykanka ee Africom Gen. David J. Furness oo uu wehelinayo madaxa Ciidamada AMISOM Soomaaliya Gen Cusmaan Nuur Subagle ayadoo ay goob joog ahaayeen Saraakiil kale oo hawlgalka Maraykanka Soomaaliya qayb ka ah.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray hawlgalka lagu xoraynayo Gobolka Jubada Dhexe iyo qaybo kamid ah Jubada hoose oo ay wali ku harsan yihiin Kooxaha nabad diidka ah.

Dowlada Maraykanka ayaa ka tageeraysa Soomaaliya la dagaalanka Kooxaha Argagixisada ah oo dhibaato ku haya Bulshada Soomaaliyeed hawlgalka Africom wuxuu balan qaaday in uu Jubbaland kala shaqaynayo sidii Al-Shabaab looga xorayn lahaa Jubada Dhexe iyo qaybaha kale ee ay wali kaga harsan yihiin gobolka.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu Hawlgalka Africom uga mahad celiyay sida ay isugu dhabar jabinayaan tageerada ay siinayaan Soomaalida sidii ay dhulkooda nabad uga dhigan lahayeen.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka go’an tahay xoraynta dhulka ay wali shabaab gacanta ku hayaan sidaas darteedna loo baahan yahay kaalmo caalami ah.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, IYO WAR IS GAARSIINTA, EE MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND, EE SOOMAALIYA.

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media