Sawirro:-Madaxweynihii hore ee Maamulkii Ximin & Xeeb oo gaaray Gaalkacyo

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa Maanta gaaray isla markaana lagu soo dhaweeyey Madaxweynihii hore ee Maamulkii ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan(Tiiceey)

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Tiiceey ku soo dhaweeyey Gaalkacyo,waxna wehlinaya kuxigeenkiisii hore Cabdiraxmaan Shaati Cadde IYO Xubno kale.

Maxamed Cabdullaahi Aadan(Tiiceey) ayaa dhawaan soo gaaray Magalada Muqdisho,waxana mudo Afar Sano ah uu ku xirnaa Wadanka Belgium-ka kadib markii lagu soo eedeeyey in uu xiiriir la leeyahay Burcad Baddeeda Soomaalida wallow markii dambe dambigas lagu waayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media