Sawirro:-Madaxweyne Xaaf oo markale ku celiyay in xal laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya Ahlusuna

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Maanta gurigiisa waxa uu qado ugu sameeyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa  kala hadlay Odayaasha Dhaqanka xoreynta deegaanada Galmudug oo uu sheegay in koldhaw la xoreyn doono deeganada u dhaxeeya galcad Iyo xarardheere ilaa ceeldheer oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa intaas hadalkiisa ku daray in uu dadaal Dheer ugu jiro sidii uu heshiis ula gali lahaa Maamulka Ahlusuna waljameeca si uu maamulkiisu u gaaro deegaanada ay hadda maamulaan ahlusuna Odayaashana looga baahanyahay in ay qayb ka qaataan oo ay tagaan deeganada ay xukumaan ahlusuna oo ay kala hadlaan sidii ay ula hishiin lahaayeen maamulkiisa.

Odayaasha dhaqanka ee kulanka la qaatay madaxweynaha ayaa ku taageeray go’aanka uu madaxweynuhu ka qaatay in lag xoreeyo deeganada galmudug ee Al-Shabaab haystaan sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media