Sawirro:-Madaxweyne Xaaf iyo taliye Gorod oo la kulmay Waxgaradka gobolka Mudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa Maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo culama’udiinka ka soo jeeda gobolka mudug waxa ayna kala hadleyn sidii loo soo afjari lahaa colaadaha ku soo laalaabtay  Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf oo kulanka furay ayaa dhammaan la dardaarmay waxgaradkii iyo Culumadii ka qeyb glay kulankas waxa uuna yiri.

“dhulka lagu dagaalayo waxaa ka dhiseynaa guryo si la iskula  degga ee iska daaya colaada dhulkan banaan ilaa hobyo hala dego maxaa meelyar dhiigiina iskugu daadineysaan hadii Federaal-ku na kala qaybiyay ma’ahan laislama degi-karo dadku wuu isdhalay wuuna wada dhashay hadii sidaas aadku sii wadaan waan idin habaareynaa shacabka aad dhibeysaan daaya yeeysan idin habaarinee”

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  oo socdaal ku maraya deegaanno ka mida Mudug iyo Galgaduud six al looga gaaro dagaalada soo laab laabta ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media