Sawirro:-Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland oo Odayaasha deegaanka Tukaraq kala hadlay xiisada deegaankaas

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku sugan Magaaladda Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay kulammo la qaatay waxgaradka, odayaasha iyo waxgaradka Tuka-raq.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa kulmo goonni-gooni ah la qaatay odayaasha iyo Waxgaradka deegaankaasi waxaana kulamadani ku wehelinayay Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Gashaandhiga Md.Ciise Axmed Yuusuf, wasiir ku xigeenka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Maxamed Muuse Abees iyo masuuliyiinta ciidamad Somaliland.

Kulankani ayaa nuxurkiisu ahaa sidii bulshada deegaankaasi ku nool oo muddo ku siman 27 sanno ka oomanaa dawladnimada iyo Waxqabad heerkasta oo uu gaadhsiisan yahay, iyo sidii loo gaadhsiin lahaa adeegyada ay u baahin yihiin gaar ahaan biyaha iyo caafimaadka iyo sidii odayaasha iyo dawladda Somaliland uga wadashaqayn lahaayeen nabadgalyada guud ee deegaankaasi, Waxaana odayaasha deegaanku codsadeen in magaalada Tuka-raq la keeno kastamka cashuuraha barriga ee gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa odayaasha iyo dadweynaha deegaankaasiba uga mahadceliyay sidii qiimaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen, Waxaana uu balanqaaday inkastoo dawladdu cusub tahay hadana inay ka xukumad ahaan ku dedaalayaan sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa maamul fidinta iyo waxqabad intii la awooddo.

Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka Odayaasha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media