Sawirro:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray deegaan u dhow Magalada Buuhoodle

Madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa gaaray deegaan lagu magacaabo Xamar lagu-xidh oo waxyar u jira Magalada buuhoodle.

Masuuliyiin ka tirsan deegaankaas iyo Bulsho farabadan ayaa soo dhaweysay,waxaana deegaankaas gacanta ku haya maamulka Khaatuma ee uu Madaxweynaha u ahaa Cali Kahliif Galeyr balse sheegay in uu ku biiray Soomaalilamd.

In kastoo ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysa puntland iyo Soomaaliland ayaa dhinac ka mid ah maamulka khaatuma waxa ay sheegeen in ay taagersan yihiin maamulka puntland kana qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Soomaaliland.

Madaxweyne ku xigeenka puntland ayaa Caawa waxa uu kulan la leeyahay waxgaradka deegaank xamar lagu-xidh,iyada oo weli aan la shaacin sababta uu halkaasi u tegay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor