Sawirro:-Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle oo safar dhulka ah ku tegay Jowhar

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabduullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maalmihii la soo dhaafay safar Shaqo u joogay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar.

Safarkiisa ayaa waxaa ku wehlineysay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Canab Axmed Ciise iyo Masuuliyiin kale,waxaana safarkooda oo ahaa mid ay dhulka ku soo mareyn ay booqdeen degmada Balcad iyo sidoo kale Fariisin Cusub oo dhawaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ka sameysteen deegaannada Haansheeķh iyo Gololeey ee Degmada Balcad.

Markii ay tageen wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Hir_Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Magalada Jowhar ayaa waxa ay booqdeen goobo uu ka fatahay wabiga Shabeelle oo xiligaas ay ka socotay Shaqo Caratuur loogu sameynayo si uusan markale u fatihin.

Sikastaba waa markii ugu horeysay mudo dhowr bil ah kadib masuuliyiinta ka tirsan madaxda ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle ay socdaal dhulka ah ku maraan Wadada xiriirisa Balcad Iyo Jowhar kadib markii ay Al-Shabaab wadadaas ay weeraro ka geysteen.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media