Sawirro:-Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo la kulmay Saraakiil ka socota Booliiska Soomaaliya

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne ku xigeenka  Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaas waxa uu kula kulmay Saraakiil ka socota ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Saraakiishaan oo uu la qaatay kulanka qadada ah ayaa waxa ay tababar siiyaan ciidamada Booliiska Maamulka Hir-Shabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa Saraakiishaan kala hadlay tababarada ay siiyaan Ciidamada Booliiska Hir-Shabeelle iyo wadashaqeynta kala dhaxeysa ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Hir-Shabeelle.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka qadada ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media