Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka argagixisada isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Saacadaha soo socda  waxaa kulan gaar ah yeelan doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyadoona ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhinacayda la xiriira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyey in uu gaaridoono dalka Jabuuti si madaxda dalkaas ay isaga waraystaan amniga Gobolka, isaga oo hordhigidoona muhiimadda ay leedahay in la dar dargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media