Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka, oo qodobaddii looga hadlay ay kamid ahaayeen Qorshaha Difaaca Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Nabad diidka Argagixisada ah ee Alshabaab iyo arrimo kale.

kulanka uu shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa goob joog ahaa R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, R/wasaare ku xiggeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Madaxweyneyaasha Dowlad goboleedyada Soomaaaliya, Wasiirka Amniga iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkan uu yahay kii labaad ee Golaha Amaanka Qaranka  ee  Madaxweynaha uu shir guddoomiyo, isagoo xusay in la isku raacay in  Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay si wadajir ah ula dagaalamaan Nabad diidka Alshabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka Golaha Amniga Qaranka lagu ansixiyey Qorshaha Difaaca Qaranka oo Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay soo diyaarisay, sidoo kale waxuu sheegay wasiirka in lagu ansixiyey shirkaasi Guddiga isku dhafka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ka kooban xubo ka kala yimid Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media