Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdiga uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Hobyo ayaa goordhow waxa ay dhagax dhigeen Dekada Magaalada Hobyo oo la fialyo in dhawaan ay dib u Shaqa bilaawdo.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay dekada ee lagu dhagax dhigayay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo xildhibaano.
Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban siiyay ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in dekada Magaalada Hobyo sidegdeg ah loo dhisi doono.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.