Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo iyo Saddex ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika oo ka qeyb geli doona Shirweynaha Golaha Guud ee QM

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku cusub Saaxadda Shirarka QM ayaa la filayaa inuu dhawaan ka qeyb galo Shirweynaha 73-aad ee Golaha Guud ee QM (the United Nations General Assembly (UNGA), kaasi oo dhawaan ka furmi doona Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu Madaxweyne Farmaajo ka baaqsan doono Shirkaasi, lana filayo inuu wakiil ahaan u diro Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasi oo horey Madaxweynaha wakiil uga ahaa Shirkii Madaxda Midowga afrika ku yeesheen magaalladda Addis Abeba.

2-sanno ka hor ayaa ugu dambeysay inuu Madaxweyne Somali ah ka qeyb galo Shirka Sanandlaha ee Golaha Guud ee QM oo ay ku kulmaan Hoggaamiyayaasha Dowladaha Caalamka.

Sannadkii la soo dhaafay, Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka baaqsaday Shirkii Golaha Guud ee QM, waxaana Somalia  u matalayey Wasiirkii Arrimaha Dibedda, C/salaam Cumar Hadliye.

Sannadkii 2015-kii, Ra’isul-wasaarihii Xukuumadda Federalka ee xilligaasi, Cumar C/rashioid ayaa shirkaasi u matalayey Dowladda Somalia, wuxuuna ka jeediyey Khudbad uu kaga hadlay Xaalladda Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha dalalka Gaana iyo Gambia ayaa sannadkan ku cusub Shirweynaha 73-aad ee Golaha Guud ee QM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media