Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliya oo Caawa ku sugan dalka Suudan

Madaxweyne Maxamed cabdulalahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa uu ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho isaga oo gaaray Magaalada Khartuum ee Wadanka Suudaan.

Garoonka Diyaaradaha dalkaas waxaa ku soo dhaweeyay Masuuliyin uu ka mid yahay Madaxweynaha Sudan Gen, Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyada, Beeraha, Dhallinyarada iyo Sport-ga ayaa kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha dalka Sudan, Omar Hassan Albashiir iyo Ra’isul-wasaare Bakri bin Hassan Salah iyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha dalkaasi Sudan.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ay ku tageen Sudan oo qaadan doonta laba Maalmood ayaa waxaa la filayaa inay booqdaan qaar ka mid ah Wershadaha iyo Hay’addaha Waxbarashadda ee dalka Sudan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media