Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliland oo tababar u soo xiray Ciidamo Cusub

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasabad tababar loogu soo xiray  Ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland kuwaas oo tababarka uga socday dugsiga tababarka ee Darar-weyne.

Ugu horrayn Madaxweyne Muuse Biixi  ayaa kormeeray xeryaha ciidamadu ku leeyihiin gudaha Darar-weyne, isla markaana u kuur-galay habsami-u-socodka tababarrada kala duwan ee ay ciidamadu halkaas ku qaatan maalin walba.

Taliyaha dugsiga Tababarka Jadiidka ee deegaanka Darar-weyne Gaashaanle sare Caamir Siciid Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu dugsigaasi soo maray iyo waxaana uu ammaanay Ciidamada Cusub ee Maanta tababarka loosoo xiray.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn ciidamada maanta tababarka loo soo gaba gabeeyey  bogaadiyey, waxaana uu tilmaamay inay yihiin xoog cusub oo kusoo biiray Soomaaliland, isaga ciidamadana ku sifeeyey kuwo danta guud uu rajeynayo in ay ka Shaqeyn doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media