Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay in laga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

adaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kula kulmay Saraakiisha Ciidamada, Waxgaradka iyo Bulshada magaaladaasi ku nool, kulankaasna waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda amaan ee Deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda ay  leedahay in meel looga soo wada jeesto hadaf midaysana laga yeesho cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo xusay in Puntland diyaar u tahay qorshe kasta  oo lagu afjarayo  Argagixisada kasoo horjeeda jiritaanka Soomaalinimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay  in shacabka  looga baahan yahay isku duubni iyo inay ka midaysnaadan  wax kasta oo lasoo dersa, si loo soo gebagebeeyo fikirka Xagjirnimada ah ee burburinta ku saleysan.

Dhanka kale Nabadoonada iyo Waxgaradka Madaxweynaha Puntland uu la kulmay ayaa balanqaaday inay diyaar u yihiin kana midaysan yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahdo, iyagoo  Maamulka uga mahad celiyey mashaariicaha horumarineed ee ay wadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media