Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Isbitaalka ku booqday askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tukaraq

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 May 2018 waxaa uu Hospitalka Guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku booqdey dhaawacyada ciidankii ku dhaawacmay dagaalkii Tukaraq.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirdowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Dhaawaca ciidanka Puntland ee madaxweynaha Puntland uu ku booqdey Hospitaalka Guud ee magaalada Garoowe ayaa Waxaa ay ahaayeen ciidankii kusoo dhaawacmay Iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo maamulka la magac baxay Soomaaliland, dagaalkaas oo ka dhacay duleedka magaalada tukaraq taariikhdu markay 15 May 2018.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka Puntland iyadoona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ula-qaysaday dareenkiisa xaaladda ay ku jiraan, isla markaana uu Alle subxaana watacaalaa uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku booriyey ciidanka dhaawaca ah in  ay waxyeeladani soo gaartay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, isla’marahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa aha, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda hooyo, welibana uu Allaah uga baryey in intii dhimatay oo dalkooda u shahiidayna uu Illaahay janadiisa kawaraabiyo.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saraakiisha Hospitalka Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka Difaaca Dowadda Puntland, ahmiyad gaarana siiyaana caafimaadkooda.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media