Sawirro:-Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa Mareeb

Magaalada dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud waxaa goordhow gaaray wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Maxmed Cabdi Waare kaas oo ka tegay Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa Magaalada ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu ka mid ahaa Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Shacab farabadan oo ay ka mid ahaayeen kuwo metelayay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne Waare ayaa loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada Mamulka degmada dhuusa Mareeb  si uu ugu biiro Madaxda kale ee ku sugan Dhuusa Mareeb.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Maalinta Berito ah ay Dhuusa Mareeb gaaraan Afarta kale ee Madaxda Maamul Goboleed si ay iyana Goobjoog uga noqdaan shirka lagu dhameystirayo heshiiskii ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tegay Cadaado ayaa Goordhow sidoo kale la filayaa in uu tago Dhuusa Mareeb.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media