Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

Wefdi Ballaaran Uu hogaamineyay  Madaxweynah Dowladd Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta Dib ugu  laabtay Magalada Baydhabo kadib markii uu Muqdisho uga qeyb galay shirkii Amniga Qaranka ee lagu qabtay Xalane.

Garoonka Diyaaraha magalada Baydhabo EE  Shaati gaduud waxaa wefdiga ku soo Dhaweeyay Masuulyiin kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyah Baarlamaanka Koonfur Galbeed  Wasiiro Xildhibaan iyo Saraakiisha Ciidamada kala Duwan.

Soo dhaweynta Ka dib Waxaa Garoonka Diyaaraha Warbahinta Kula hadley Masuulyiin Kala Duwan, oo uu ka mid ahaa Ku simaha Madaxweynah Maamulka Koonfur Galbeed ahaana Wasiirka Amniga  iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Abdiqaadir Shariif sheekhuna Maye.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna sheegay  in Shirkii Amniga ee uu  magalada Muqdisho uga Qayb galey ay wax badan Isla meel Dhigneen madaxdii uu kala qeyb galay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media