Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo kusoo laabtay Kismaayo xilli berrito..

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Gelinkii dambe ee Maanta waxa uu dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Maamulka  Jubbaland

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Masuuliyiin iyo sarakiisha Ciidamada Maamulkaas.

Axmed Madoobe, ayaa Maalmahii lasoo dhaafay waxaa uu ku sugnaa  Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,isaga oo halkaasi kulamo kula qaatay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Xuno ka socday Guddiga dib u eegsita dastuurka labada Aqal.

Sikastaba Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa in Maalinta berito ah uu ka furmo shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda Dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media