Sawirro:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la kulmay Maamulka iyo Bulshada Warsheekh

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo booqasho ku maraya degmooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa xalay ku hoyday degmada Warsheekh ee Gobolkaas.

Waare oo kormeerkiisa ka soo bilaabay degmada Balcad ayaa ka dhagax dhigay Isbitaal ay yeelaneyso degmada kadibna uu safar dhanka dhulka ah ku tegay degmada Warsheekh.

Intaasi kadib Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe Xusseen ayaa la kulmay Masuuliyinta Maamulka degmada Warsheekh, isaga oo kala hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen amniga, dhaqaalaha iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Bulshada degmada Warsheekh ayaa waxa ay u qabteen xalay Munaasabad soo dhaweyn ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay uu tago degmada Warsheekh Maxamed Cabdi Waare tan iyo markii la doortay.

Waare ayaa sidoo kale Maalmaha soo socda tegi doona degmooyin ka tirsan Gobolka Shjabeellaha Dhexe.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media