Sawirro:-Madaxweynaha Galmudug iyo Sheekh Shaakir oo ku kulmay Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug ayaa Maanta kulan la qaatay hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca kadib heshiiskii ay dhawaan Muqdisho ku kala saxiixden.

Kulanka labada Masuul ayaa la sheegay in uu ahaa mid uu codsaday Madaxweyne Shaakir,waxaana ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Madaxweye Xaaf ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna ku baaqay in la iscafiyo madaama ay heshiiyeen dhinacyadii uu khilaafka kala dhaxeeyay

Waxaa uu intaas ku daray in ay guul wayn tahay in Galmudug oo dhan iyo madaxda Ahlusuna ay kulan isugu yimaadaan isaga oo maamulka Ahlusuna ee dhawaan uu heshiiska la galay maamulkiisu ugu bishaareeyay in dhawaan la furayo dekada Magaalada Hobyo.

Sikastaba 6 Bisha December ayay aheyd markii madaxda Maamulada Galmuudg iyo Ahlusuna ay heshiis awood badan siinaya Madaxweyne Shaakir ay ku kala saxiixdeen Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka Maanta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media