Sawirro:-Madaxda Wasaarada Warfaafinta & Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo kulmay

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaradda iyo Agaasime waaxeedyada Wasaarada Warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay xoojinta iyo wada shaqeynta Wasaradaha Warfaafinta labada dowladood.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarey sidii dowladda aynu Walaalaha-nahay ee Jabuuti tababaro u siin lahayd howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka.

Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ay kaga wada hadleen horumarinta Warbaahinta, isago ku tilmaamay in kulanka uu ahaa mid aad u muhiim ah.

“Maanta oo ay u muuqato in Idaacadda iyo Telifishinka Qaranka Soomaaliya in uu joogo marxalad ay tahay in isaga lagu daydo horumar fiicana halkaan laga sameeyay, waxaan jecelnahay in iskaashigii uuna joogsan oo halkii uu ka sii socdo” ayuu yiri Danjire Aadan.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegey in dowladda aynu Walaalaha nahey ee Jabuuti ay wax badan ka saaciday Warbaahinta Qaranka dar dargelinta howlaha ay bulshada u heyso.

“Waxaanu kala hadalnay sidii inta loo mataaneeyo loo horumarin lahaa Warbaahinta labada dowladood, sidii shaqaalaha xirfadooda sare loogu qaadi laha oo ay tababaro ugu soo qaadan lahaayeen dalka Jabuuti, waxaana iminka ku sii shaqeynaa qalabkii ay noogu deeqeen Walaalaheen Jabuuti” ayuu yiri Siihayaha Wasiirka Warfaafinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media