Sawirro:-Madaxa Golaha Xukuumadda Galmudug oo banaanbax uga qeyb galay Cabudwaaq

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hogaaminayo Madaxa Golaha xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ayaa ka qeybgalay dibadbaxaasi, kuwaa soo u yimid Magaalada Cabuudwaaq, inay la wadaagaan bulshada ku dhaqan Degmadaasi farxadda iyo kala qayb galka daah furka Nabadda.

Isu soo bax ay ku muujirayaan jacaylka ay u qabaan Nabadda ayaa magaalada ka qabsoomay, waxaana uu bilowday dadaaalka Nabad raadinta Caabudwaaq markii uu socdaalka ku tagay dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” isagoona ugu baaqay in loo saldhigo Nabadda si horumar loo gaaro waxaana uu sameeyay Guddi uu u xilsaaray ka miro dhalinta heshiiska

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo ugu horayn ka hadlay taallada loo asteeyay Nabadda oo banaanbaxu ka dhacay  ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Cabuudwaaq ay hormuud u yihiin nabadda iyo horumarka isagoo tilmaamay in dibadbaxani ay bulshadu ku muujinayeen jaceylka ay u qabaan nabadda iyo dowladnimada.

Axmed Maxamed Caafi oo ka mid ah gudi Dawlada dhexe ee dalka ay u wakiilatay xasilinta Degmada Cabudwaaq ayaa goobta isu soo baxa waxaa uu ka soo jeediyay waxa u qabsoomay intii ay ku guda jireen arinta xasilinta degmada Caabudwaaq, isagoo ku amaanay reer Cabuudwaaq sida ay ugu bisilyihiin nabadda iyo nidaamka dowliga ah.

Soo jeedinta go’aanka xasilinta ee gudiga kadib waxaa si wada jira u taageeyay qodobada qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Ugaas Axmed Bari Cali oo tilmaamay iney bulshadu qaadatay nabadda,

Ugu dambeyn Madaxa xukuumada Dawlad Goboleedka Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa  sheegay in Galmudug ay aqbashay go’aanka gudiga xasilinta dhagan galkiisana ay diyaar u yihiin wuxuuna ka dalbaday bulshada reer Galmudug iney qaataan nabadda maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha nabaddaynta iyo horumarka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media