Sawirro:-Madaxa AMISOM Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Middowga Afrika ee Soomaaliya ahna  Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ,ayagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Aqalka Sare iyo Middowga Africa.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku ammaanay Wakiilka Midowga Africa booqashada uu ugu yimid xarunta Golaha Aqalka sare iyo siday ugu heelan yihiin taageerada Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa kormeeray dhammaan waaxaha xarunta Aqalka sare ay ka kooban tahay,isagoona bogaadiyay howsha adag ee Xildhibaanada Aqalka sare u hayaan Ummada Soomaaliya.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Amb: Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayuu Kulan gaar ah La Qaatay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira,ayagoona ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta AMISOM iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media