Sawirro:-Maamulka Shabeellaha Hoose oo dib-u furay Buundo ay horay u burburiyeen Al-Shabaab

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku guuleystay inay dib u dayactir ku sameeyaan buundada Degmada Qoryooleey, kaasi oo kalhore ay qarxiyeen Al-Shabaab oo u jeedkoodu ahaa inay hakad geliyaan isu socodka gaadidka iyo dadweynah ee buunadada isticmaala, maadaama ay kala qeybsado buundada Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay wehliyaan ku-xigeenka Maaliyadda iyo Maamulka Degmada Qoryooleey ayaa xariga ka jiray buundada, kaasi oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Degmada Qoryooley Cabdi Axmed ayaa sheegay in dayactirka buundada uu in muddo ah socday maamulka Degmaduna uu gacan ka geystay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa buundada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali  Najax ayaa u mahadceliyay Maamulka Degmada iyo bulshada ku dhaqan Degmada Qoryooleey waxa uuna sheegay in argagixsada Shabaab  ay cadaw ku yihiiin horumarka bulshada.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose iyo Masuliyiintii la socotay ayaa booqday isbitaalka Degmada Qoryooleey, isagoo kulan la qatay Maamulka Isbitaalka iyo howlwadeenada ka howlgalla, waxaana intaasi kaddib ay booqdeen suuqa weyn ee Degmada iyo waaxyaha ay Degmada ka koobantahay.

Maaamulka  Gobolka Sheblelaha Hoose ayaa Degmada Qoryooley waxa uu ka  hirgeliyay leerarka cadceedda ku shaqeeya, kaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Degmada, waxaana Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Maamulka Degmada ay xilli habeen ah ku dhax socdeen gudaha magaalada  iyagoo ganacsatada ka  xog warestay xaaladaha Amni ee Degmada.

.Hoos Ka Daawo Sawirrada Buunada oo Xariga laga jaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media